Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala xaxiixday heshiis difaaceed

Puntland Mirror
0 Min Read
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhigiisa Azerbaijan, Zakir Hasanov, oo heshiis difaac kala saxiixanaya. [Isha Sawirka: Villa Somalia]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliy iyo Azerbaijan ayaa Arbacadii kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah, taasoo xoojinaysa xiriirka milatari ee labada dal, sida lagu sheegay bayana lagu faafiyay bogga Facebook ee Villa Somalia.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo dhigiisa Azerbaijan, Zakir Hasanov, ayaa heshiiskan si rasmi ah ugu saxiixay magaalada Baku.

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa heshiiskan ku tilmaantay mid lagu xoojinayo taageerada farsamo iyo is-weydaarsiga aqoonta milatari si kor loogu qaado awoodda difaaca ee Soomaaliya.

Maalintii ka horreysay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa la kulmay Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, iyagoo ka wadahadlay xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga labada dal, kuwaasoo labaduba xiriir fiican la leh dalka Turkiga.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Azerbaijan, Jeyhun Bayramov, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka waxbarashada ah.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *