Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo kulan la yeeshay culimada si ay uga qeybqaataan xoojinta amniga iyo nabadda

Puntland Mirror
0 Min Read
aliyaha cusub ee booliiska Soomaaliya, Asad Osman Abdullahi, oo la taagan qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed. [Isha Sawirka: SNTV]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliyaha cusub ee booliiska Soomaaliya, Asad Osman Abdullahi, ayaa ugu baaqay culimada Soomaaliyeed in ay ka qaybqaataan dadaallada lagu xoojinayo amniga, dib u heshiisiinta, wadajirka bulshada iyo dabar goynta fikirka xagjirka ah ee Khawaarijta.

Kulan uu Muqdisho kula yeeshay qaar kamid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa Taliyaha waxa uu sheegay in wada-shaqeynta culimada iyo hay’adaha ammaanka ay muhiim u tahay xasilinta dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay in la xoojiyo iskaashiga si loo gaaro himilooyinka amni ee dalka.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *