Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dalacsiiyay ku dhawaad 20 saraakiil ciidan ah xaflad xalay fiidkii lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, halkaas oo madaxweynuhu uu safar ku joogo.
Dalacsiinta saraakiisha ayaa lagu abaalmariyay doorkii ay ka qaateen xasilinta gobolka Mudug iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab, kuwaasoo kooxdii gobolka uga howlgali jirtay la qabtay lana toogtay bishii June.
Be the first to comment