Kooxda ISIS oo xaqiijisay dhimashada mid kamid ah saraakiisheeda sare ee Soomaaliya

Khaalid Jama oo sidoo kale loo yaqaan Abu Osama Al-Muhajir.

Garoowe-(Puntland Mirror) Kooxda ISIS ayaa xaqiijisay dhimashada mid kamid ah saraakiisheeda sare ee Soomaaliya, sida ay baahiyeen warbaahinta taageerta ISIS.

Khaalid Jama oo sidoo kale loo yaqaan Abu Osama Al-Muhajir, kaasoo ah jihaadi kasoo jeeda dalka Pakistan, ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gobolka Bari ee Puntland 22-kii bisjii July, 2020.

Duqeyntaas ayaa lagu dilay todobo xubnood oo katirsan kooxda ISIS ee Soomaaliya, sida bayaan uu 23-kii July uu Mareykanku ku sheegay.

Garabka ISIS ee Puntland ku sugan, taasoo asaasmatay bishii Oktoobar ee sanadkii 2015, ayaa waxaa hoggaamiya Cabdulqaadir Muumin, oo horey u ahaa sargaal Al-Shabaab ah. Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa ku dartay Muumin liiska argagixisada adduunka. Ku xigeenkiisii Cabdixakiin Dhuqub ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku geystay bishii April 2019.

Maleeshiyada oo loo maleynayo in ay haysato ku dhawaad 100 dagaalyahan, ayaa saddexdii sanno ee u dambeysay sheegatay masuuliyada ficilo argagixiso oo ay kamidyihiin dilal iyo qaraxyo oo badankood ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*