Dhuusamareeb-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gelinkii dambe maanta oo Isniin ah gaaray magaalada Dhuusamareeb.
Waxaa la filayaa in uu Dhuusamareeb ku soo gabagabeeyo shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii dhawaa ee la soo dhaafay halkaas ka socday.