DFS oo sheegtay in ay ka xuntahay go’aanka ay Kenya diyaaradihii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi ugu leexisay Wajeer

Puntland Mirror
1 Min Read
Rakaab ka deganaya diyaarada Juba Airways. [Sawir Hore]

Rakaab ka deganaya diyaarada Juba Airways. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xuntahay go’aanka ay Kenya ku gaartay in diyaaradihii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi u leexiso magaalada Wajeer, iyada oo intaas ku dartay in tilaabadaas ay tahay mid culeys lagu saarayo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirka derisnimo, is-afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isu socodka labada shacab,” ayaa lagu yiri bayaan gelinkii dambe ee Jimcadda ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa Kenya u jeedisay in ay dib u fiiriso arrintaas culeyska ku ah ganacsiga iyo isku socodka labada dal, bayaanka ayaa intaas ku daray.

Khamiistii, ayaa Kenya ku amartay diyaaradaha ka tagaya Muqdisho in ay maraan Wajeer, halkaas oo horey ay u mari jireen balse la joojiyay kadib heshiis dhexmaray labada dowladood.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaala dalka Kenya ayaa dhibbaato badan kala kulmi jiray marista Wajeer muddo dheer.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *