Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Talaado ah xafiiskiisa ku qaabilay qunsulka cusub ee Itoobiya.
Qunsulka cusub ee Itoobiya u fadhiya Puntland Mabratu Waldo Aragay iyo Madaxweynaha Puntland ayaa ka wadahadlay sidii loo dar-dargelin lahaa wadashaqaynta ka dhexaysa Itoobiya iyo Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.
Mabratu Waldo Aragay ayaa bedelay qunsulkii hore ee Itoobiya Asmalaash oo muddo 13-sanno ah joogay xafiiska.