Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray amar lagu hakinayo heshiisyada cusub ee dhammaan dowladda, barnaamijyada, iyo shaqaalaysiinta ilaa inta laga soo dhisayo golaha cusub oo wasiirada.
Tan iyo doorashadii 8-da Janaayo, Deni ayaa soo saaray amaro taxane ah.
Waxa uu haystaa 21 cisho oo kasoo bilaabmaysa 8-dii Janaayo si uu u soo dhiso golihiisa cusub ee wasiiradda, sida uu qabo dastuurku.