Shirka kooxda xiriirka Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka furmay Muqdisho. [Isha Sawirka: Twitter]
Masuuliyiin ka kala timid wadamo badan oo katirsan Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka qeybgalaya shirka, oo la filayo in uu socdo hal maalin.
Shirka ayaa diirada lagu saarayaa sidii loo caawin lahaa Soomaaliya iyada oo dalku uu ka soo kabanayo muddo badan oo burbur iyo xasilooni daro ah.