Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh ayaa Cabduqaadir Maxamed Nuur u magacaabay la taliyihiisa sare, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha maanta oo Sabti ah.
Asbuucii lasoo dhaafay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa agaasime ku xigeenkii hore ee NISA xilka ka qaaday, isaga oo magacaabay Fahad Yaasiin, oo ah saaxiibkiis ay aad isugu dhow-yihiin.