
Abuja-(Puntand Mirror) Saddex qof oo isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay suuq kalluun oo kuyaala magaalada Konduga ee waqooyiga-bari ee dalka Nayjeeriya maanta oo Sabti ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan 19 qof, sida ay sheegeen ilo-wareedyo haayadaha ammaanka katirsan.
Intooda badan dadka ku dhintay qaraxa ayaa ahaa shacab. Ugu yaraan 50 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay.
Ururka Booko Xaaraam ayaa lagu eedeeyay qaraxaas, inkastoo aysan weli sheegin in ay iyagu ka dambeeyaan.
Booko Xaaraam ayaa dishay dad gaaraya 20,000 waxayna barakicisay in ka badan labo milyan tan iyo markii ay sanadkii 2009 bilaabeen ololahooda ay ku rabaan in maamul Islaamiya ay ka dhisaan waqooyiga dalka.
Booko Xaaraam weli waxay wadaa weerarada dhimashada leh iyada oo dowladda Nayjeeriya ku andacoonayso in ay ka adkaadeen maleeshiyada Booko Xaaraam.
Related Posts
August 26, 2016 Al-Shabab attack on seaside restaurant in Mogadishu leaves at least 10 dead
June 21, 2020 Madaxweyne Deni: Somaliland waa in ay dhammaan deegaanada Sool iyo Sanaag uga baxaan si nabadgelyo ah
November 30, 2017 US: No civilians killed in August operation in Barire area
May 2, 2017 Labo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah oo lagu dilay dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose