Madaxweynaha Puntland oo taliye cusub u magacaabay ciidamadda booliiska

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Cabdullaahi Shire Dool u magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada booliiska, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday maanta oo Khamiis ah.

Digreetada, ayaa Madaxweyne Cabdiweli sidoo kale Bile Faarax Cali ugu doortay taliye ku xigeen.

Dabayaaqadii sanadkii 2017-ka, Madaxweynaha ayaa shaqada ka joojiyay taliyihii hore ee ciidamada booliiska Puntland Cabdiqaadir Faarax Ereg kadib markii uu rasaas ku furay guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyne, kaasoo nasiib wanaag badbaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*