Dowladda Hoose ee Garoowe oo bilowday howlgal lagu burburinayo dhismayaal sharci daro ah oo laga dhisay waddooyinka

Duqa Garoowe Xasan Goodir oo ag taagan cagaf burburinaysa dhismayaal sharci daro ah oo laga dhisay waddooyinka. [Xigashada Sawirka: Garowe Online]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa bilowday howlgal lagu burburinayo dhismayaal sharci daro ah oo laga dhisay waddooyinka magaalada.

Howlgalka oo bilowday dhawaan ayaa lagu burburiyay dhismayaal badan oo ka dhisnaa waddooyinka magaalada.

Duqa magaalada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii loo hagaajin lahaa bilicda iyo horumarka magaalada Garoowe oo ah caasimada Puntland.

Qayb kamid ah waddooyinka laga burburshay dhismayaasha sharci darada ah ayaa la filayaa in laami la saari doono mustaqbalka sida uu guddoomiyuhu sheegay.

Garoowe ayaa ah magaalo caan ku ah waddooyin waa-weyn kuwaasoo kaalin muuqata ka qaatay horumarka gananacsiga iyo ammaanka magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*