Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Maamul Goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

Puntland Mirror
1 Min Read
Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Maamul Goboleedyada oo ka furmay Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]

Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Maamul Goboleedyada oo ka furmay Muqdisho. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shir u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Maamul Goboleedyada ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmay gudaha Muqdisho, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Hoggaamiyaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladdaha Maamul Goboleedyada ayaa ka qeybgalaya kulanka oo socon doona labo beri, oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xaalada amni iyo mida siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa la filayaa in ay ugu waa-weyn yihiin ajandayaasha shirka, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Kani waa shirkii labaad oo u dhaxeeya labada dhinac tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo uu xafiiska qabtay bishii Maarso ee sanadkan.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *