Maxkamada ciidamada Soomaaliya oo askari ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu helay dilkii Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska

Maxkamada ciidamada Soomaaliya oo askari ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu helay dilkii Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin Axmed Cabdulaahi Cabdi ku riday xukun dil ah kadib markii lagu helay dilka Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska kaas oo lagu dilay Muqdisho bishii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda.

Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska, Cabaas Cabdulaahi Siraaji ayaa lagu dilay gudaha Muqdisho. Siraaji ayaa la dilay markii ilaalada xeer ilaaliyaha Soomaaliya ay rasaas ku fureen gaari uu saarnaa wasiirku.

Maxkamada ayaa sidoo kale amartay in xabsiga laga sii daayo Cusmaan Salaad Bare, kaas oo kamid ah ilaalada loo haystay dilka wasiirka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*