Wefdiga ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, Wasiirka Caafimaadka Cabdinaasir Cusmaan Ciise Cuuke iyo kuwo kale.
Inta ay ku guda jiraan safarkooda, wasiiradda ayaa la filayaa in ay qiimayn ku sameyn doonaan khasaaraha ka dhashay weerarkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada Puntland ay ku lahaayeen Af urur asbuucii lasoo dhaafay.