![Yahya Jammeh, madaxweynihii hore ee dalka Gambia. [Sawirka: Reuters]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2016/12/gambia.jpg)
Adama Barrow oo ahaa hoggaamiyaha mucaaradka ayaa ku guuleystay doorashada, taasoo ka dhigeysa in uu dhammaaday xukunkii Jammeh oo 22-ka sanno ahaa.
Jammeh, ayaa xukunka ku qabsaday afgembi millatari sanadkii 1994-tii, isaga oo ahaa taliye 29-sanno jir ahaa.
Adama ayaa helay 263,515 cod, halka Jammeh uu ka helay 212,099, Alieu Momarr Njai, o ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ayaa kaga dhawaaqay caasimada Banjul maanta oo Jimce ah.
“Helida 263,515 oo cod, waxaan halkaan kaga dhaawaaqayaa Adama Barrow in si sax ah loogu doortay si uu u noqdo madaxweynaha jamhuuriyada Gambia,” Alieu Momarr Njai.
Kadib markii lagu dhawaaqay natiijada, kumanaan dad ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka si ay ugu dabaaldegaan – qaar ayaa ku lugeynaya lug halka qaarna ay wataan baabuur iyo mootooyin.
