Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya oo baarlamaanka ka codsaday in ay xasaanada ka qaadaan xildhibaano lagu eedeeyay qaran dumis

Sawirka: Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay xasaanada ka qaadaan xildhibaano lagu eedeeyay qaran dumis.

“Waxaan rabaa in aan cadeeyo xildhibaano maalmahaan ku mashquulsanaa duminta dowladnimada iyo qaranimada Soomaaliya, iyaga oo adeegsanaya dhaqaale ay ka heleen dalal ajnabi, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in tilaabada sharci ee ku habboon laga qaado qofkii uu ku cadaado fal dambiyeed,” ayuu ka sheegay Xeer Ilaaliyuhu shir jaraa’id oo maanta oo Axad ah uu ku qabtay Muqdisho.

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in guddoonka baarlamaanka ay u gudbiyeen qoraal ka dhan ah labo xildhibaan kuwaasoo lagu eedeeyay sharci daro iyo qaran dumis.

“Waxaan maanta guddoomiyaha golaha shacabka iyo baarlamaankaba u gudbinay qoraal cadaynaya labo xildhibaan oo abaabul iyo sharci daro iyo qaran dumisnimo lagu eedaynayo, cadaymaheedii iyo baaritaankeediina uu dhammeystiranyahay in ay xasaanada ka qaadaan, si loo horgeeyo sharciga baarista dhimmana loo dhammeystiro,” ayuu yiri Axmed Cali Daahir.

“Labada xildhibaan oo magacyadoodu ay kala yihiin xildhibaan Xasan Maxamed Macalin Maxamuud iyo xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, labadaas xildhibaan oo baaris dheer xafiiska ay u muuqatay in ay galeen fal dambiyeedyo u baahan in baaris lagu sameeyo.” Ayuu ku sii daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*