Xasan Shiikh Maxamuud oo tagay magaalada Kismaayo

Xasan Shiikh Maxamuud oo tagay magaalada Kismaayo ee xatunta maamulka Jubbaland. [sawirka: Archive]
Xasan Shiikh Maxamuud oo gaaray magaalada Kismaayo ee xatunta maamulka Jubbaland. [sawirka: Archive]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo wefdiga la socday ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam iyo saraakiil kale oo katirsan Jubbaland.

Lama oga ujeedada rasmiga ah ee safarka madaxweynaha Kismaayo, balse waxaa loo malaynayaa in ay xiriir la leedahay arrimo olole.

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa noqotay meel ay diirada saaraan murashixiinta madaxweyna Soomaaliya, dhammaan murashixiinta madaxweynaha ayaa booqanaya halkaas si ay uga ololeystaan.

Asbuucii lasoo dhaafay, waxaa halkaas tagay Raysulwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake si uu kulamo ula yeesho xubnaha aqalka hoose iyo aqalka sare ee Jubbaland kasoo jeeda.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa doonaya in mar labaad loo doorto madaxweynaha Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*