Wasiirka kalluumaysiga Puntland oo sheegay in dooni iyo kalluumaysato lagu la’yahay xeebaha gobolka Gaardafuu

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Faarax Cawaash. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland ayaa sheegay in dooni iyo kalluumaysato lagu la’yahay xeebaha gobolka Gaardafuu.

“Waxaa jirta laash ay saaranyihiin shan baxri kalluumaysato oo Soomaali ah oo ka baxay todobadii bisha marsada Bina ee oo katirsan gobolka Gaardafuu in la la’yahay oo la waayay,” ayuu warbaahinta u sheegay maanta oo Talaado ah wasiir Faarax Cawaash Beeldaaje.

Waxa uu sheegay in ay u direen dooni weyn si ay u soo aragto kallumaysatada la la’yahay, balse weli aan lagu guuleysan.

“Labo laash baa loo diray waa la raadiyay weli waa la la’yahay, maanta waxaan u dirnay doon weyn bal inay soo aragto, waxaan la xiriirnay ciidamada badda ee Midowga Yurub ee badda kore ku sugan bal haday arkaan in ay nala soo socod siiyaan.” Ayuu yiri.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*