Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka digay dilaacida cudurka shuban biyoodka

Wasiirka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cusmaan Cuuke. [Xigashada Sawirka: Garowe Online]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wasiirka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cusmaan Cuuke ayaa ka digay suurtagalnimada in xanuunka shuban biyoodka uu ka dilaaco gudaha gobolada Puntland.

Isaga oo gudaha Garoowe kula hadlayay warbaahinta maxaliga ah shalay oo Sabti ahayd, Cuuke ayaa sheegay in waxyaabo ay kamidyihiin bakhtigii xoolihii abaarta ku dhintay oo ay biyaha daadadku qaadeen oo ku shubeen ceelasha biyaha kuyaala dhulka miyiga ah ay keeni karaan cudurka shubanka biyoodka. 

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay diri doonto kooxo caafimaad si ay u qaybiyaan daawada jeermiska disha si loogu isticmaalo ceelasha biyaha iyo in la qaado ololeyaal ujeedkoodu yahay kor u qaadida wacyigelinta bulshada ee cudurka.

Cudurka ayaan ka jirin gudaha Puntland balse waxaa jira dhowr kiis oo laga so sheegay meelaha qaar, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*