Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo dhiggiisa dalka Ruushka kulan kula yeeshay magaalada New York

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo dhiggiisa dalka Ruushka Segey Lavrov. [Sawirka: Twitter]
New York-(Puntland Mirror) Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dhiggiisa dalka Ruushka Segey Lavrov kulan kula yeeshay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Labada masuul ayaa kulankooda uga wadahadlay aragtida ku saabsan dhisida iskaashiga siyaasadeed iyo mida dhaqaale, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Ruushka.

“Iyaga oo isla wadaagaya fikradaha ku saabsan horumarinta xiriirka laba dhinac, labada dhinac ayaa cadeeyay ujeedka labo geesoodka ah si loo xoojiyo xiriirka siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhinacyada kale,” ayaa lagu sheegay bayaanka.

Dhinacyada ayaa hoosta ka xariiqay baahida loo qabo sii wadida dadaalada ku aadan nabad ku soo dabaalida Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Ruushka ayaa sheegay in uu taageeri doono dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee lagula dirirayo argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*