Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ka digay in xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ay keeni karto rabshad

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating. [Xigashada Sawirka: UNSOM]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka digay in xiisada sii kordheysa ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ee ku saabsan gobolka Sool ay keeni karto rabshad.

“Waxaa jira muran aad u daran oo wakhti-dheer ah oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, gaar ahaan ismari waaga hubeysan ee gobolka Sool, waxa uu keeni karaa rabshad maalmaha soo socda,  cawaaqib xumo sababi karta,” Michael Keating ayaa sidaas ku yiri bayaan uu u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Puntland iyo Somaliland ayaa boqolaal ciidamo ah geeyay tuulada Tukaraq ee gobolka Sool.

Dadaalo dhex-dhexaadin ah oo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya uu waday si loo qaboojiyo xiisada ayaa fashilmay, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Muranka xadka ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa soo cusboonaaday kadib markii ciidamo aad u hubeysan oo ka socda Somaliland ay la wareegeen Tukaraq horaantii bishaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*