Ugu yaraan afar qof oo ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay gobolka Karkaar

Ugu yaraan afar qof oo ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay gobolka Karkaar. [Sawirka: Facebook]
Ugu yaraan afar qof oo ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay gobolka Karkaar. [Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhaawacmay shil gaari oo ka dhacay tuulada Sheerbi ee gobolka Karkaar, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Shilka ayaa xalay oo Axad ahayd gelinkii dambe dhacay kadib markii gaariga oo ahaa nooca xamuulka qaada oo waday xoolo iyo qoys reer miyi ah uu ka baxay wadada, sida qof dadka deegaanka tuulada Sheerbi ah uu khadka taleefoonka ugu sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Dadkii shilka ku dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaal kuyaala magaalada Qardho sida uu sheegay qofka dadka deegaanka ah.

Shilalka baabuurta ayaa caadi ka ah gudaha Puntland iyo gabi ahaan Soomaaliya waxaana sababa wado xumada iyo khibrad la’aanta darawalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*