Ugu yaraan 11 qof oo ku dhimatay dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu Suna Waljamaaca

Dagaalka ayaa fiidnimadii Khamiista ka bilaabmay magaalada Dhuusamareeb. [Sawir Hore]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay dagaal u dhaxeeya ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maleeshiyada Ahlu Suna Waljamaaca, oo ah koox diimeed door weyn ka qaadatay dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa fiidnimadii Khamiista ka bilaabmay magaalada Dhuusamareeb kahor inta uusan ku fidin Guriceel oo ah magaalo kale oo kutaala gobolka Galgaduud.

Qof goobjooge ah ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in dagaalku uu qarxay kadib markii ciidanka dowladda ay weerareen guri halkaas kuyaala oo ay joogeen hoggaamiyaasha Ahlu Suna Waljamaaca, kadibna labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka waa-weyn gudaha Dhuusamareeb.

Dagaalka ayaa salka ku haya muran dhanka hoggaanka ah oo ka dhashay doorashadii madaxtinimada dhaweyd ee Galmudug oo Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo Dowladdu Federaalka Soomaaliya taageeraysay loogu doortay madaxweynaha bilowgii bishaan Febaraayo, doorashadaas oo ay qaadaceen hoggaanka Ahlu Suna Waljamaaca.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*