Ugu yaraan 10 qof oo lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Beled Xaawo

Sawirka: Maleeshiyada hubaysan ee Al-Shabaab

Beled Xaawo-(Puntland Mirror) Dagaal cuslus ayaa ka qarxay maanta oo Isniin ah magaalada Beled Xaawo oo u dhow xadka Kenya kadib markii ay Al-Shabaab weerar ismiidaamin ah ku qaaday kadibna ay weerartay saldhig ciidan oo kuyaala halkaas, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ilo-wareedyo katirsan ciidamada Soomaaaliya ayaa sheegay in ugu yaraan 10 askari ay ku dhinteen weerarka, sidoo kalena ay dileen todobo dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa markii hore la wareegtay saldhiga ciidanka iyo qayb kamid ah magaalada balse wakhti yar kadib ayay ka baxeen magaalada, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Tirada dhimashada ee labada dhinac ayaa laga yaabaa in ay kororto, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*