Taliyihii booliiska Afgooye iyo saddex ilaaladiisa kamid ah oo lagu dilay qarax

Qarax gaari. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliyihii booliiska magaalada Afgooye iyo saddex ilaaladiisa kamid ah ayaa lagu dilay qarax maanta oo Axad, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka.

Taliyaha oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Cusmaan Mursal iyo saddexda ilaaladiisa ah ayaa dhintay kadib markii miinada dhulka lagu aaso ay la qaraxday gaarigii ay wateen duleedka Afgooye, oo ah magaalo qiyaastii 30 kiilomitir dhanka koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.

Maleeshiyasa Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas, sida ay tabisay idaacada Al-Shabaab, ee Radio Al Andalus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*