Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis ku kala saxiixday gudaha magaalada Hargeysa

Somaliland iyo Khaatumo oo heshiis ku kala saxiixday gudaha magaalada Hargeysa. [Sawirka: Twitter]
Hargeysa-(Puntland Mirror) Somaliland iyo Khaatumo ayaa maanta oo Sabti ah heshiis ku kala saxiixday gudaha magaalada Hargeysa.

Qodobada lagu heshiiyay ayaa ahaa sidaan:

  1. Somaliland iyo Khaatumo in ay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa loo wada gaadhi lahaa
  2. In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa Somaliland loo wada simanyahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada simanyihiin.
  3. In dastuurka Somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.
  4. In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.
  5. In shir dambe lay sugo yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si loo dhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhanyahay.

Heshiiska ayaa yimid kadib muddo todobaad ah oo wadahadal labada dhinac uga socday gudaha magaalada Hargeysa.

Dhawaan, waxgaradka gobolada Sool iyo Sanaag ayaa qaadacay heshiisyada ka dhaxeeya hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr iyo maamulka Somaliland, iyaga oo sheegay in heshiisyadaas ay gaar u yihiin hoggaamiyaha Khaatumo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*