Saddex qof oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxa ayaa burburshay dukaamo badan oo halkaas kuyaalay. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay kadib markii gaari qarax ah lagu qarxiyay irida hore ee dukaamo kuyaala degmada Wadajir ee Muqdisho maanta oo Isniin ah, sida ay sheegeen goobjoogayaal iyo ilo-wareedyo ciidamada booliiska katirsan.

Qaraxa ayaa burburshay dukaamo badan oo halkaas kuyaalay.

Ma jirto koox si deg-deg ah u sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro noocaan oo kale ah ka fulisa caasimada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*