Puntland oo u dabaaldegaysa maalinta sanadguuradeeda 19-aad

Calanka Puntland. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa maanta oo Talaado ah u dabaaldegaysa maalinta sanadguuradeeda 19-aad.

Gobolka oo dhan, xafiisyada dowladda iyo meelaha wax lagu barto ayaa xiran munaasabada sanadguurada darteed.

Ma jirto dhoolatus milatari oo dhacaya, balse munaasabad balaaran ayaa ka dhici doonta xarunta madaxtooyada caawa oo Talaado ah fiidkii, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Puntland waxaa la asaasay 1-dii Agoosto 1998, 19-kii sanno ee lasoo dhaafay waxay ku kirtay nabad iyo xasilooni.

Puntland ayaa ka badbaaday colaada sokeeye iyo dagaalka hubaysan ee Al-Shabaab taasoo waxyeeshay qaybaha kale ee dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*