Puntland oo mamnuucday masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo galaan deegaankeeda

Sumada Puntland.

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa mamnuucday masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiiradda, agaasimayaasha iyo saraakiisha dowladda in ay soo galaan deegaankeeda taasoo ah tilaabo ay ku rabto in ay kaga hortagto farogelin ku wajahan doorashada madaxweynaha, sida lagu sheegay bayaan maanta oo Sabti ah kasoo baxay Wasaaradda Amniga Puntland.

Bayaanka kasoo baxay Wasaaradda amniga ayaa sidoo kale lagu sheegay in aan la soo gelin karin lacago kaash ah dhammaan garoomadda diyaaradaha iyo baraha kale ee kantaroolada laga soo galo Puntland.

Tilaabadaan ayaa imaanaysa iyada oo ay jiraan warar sheegaya in Dowladda Dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho ay rabto in ay ku lug yeelato doorashada soo socota ee Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*