Puntland oo joojisay xafiisyada ay xildhibaanada dowladda federaalka Soomaaliya ka furanayaan deegaanada Puntland

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa joojisay xafiisyada ay xildhibaanada dowladda federaalka Soomaaliya ka furanayaan deegaanada Puntland, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

“Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuqraadiyeynta dowladda Puntland ayadoo tixraacaysa dhaqdhaqaaqyada ay xubnaha xildhibaanada dowladda federaalka Soomaaliya ka wadaan deegaanada Puntland, ayna ku furayaan xafiisyo loogu magacdaray xiriirka bulshada iyo xildhibaanada, wasaaraddu waxay cadeynaysaa in xildhibaanada federaalka Soomaaliya ee hadda wakhtigoodu sii dhammaanayo ay ku yimaadeen hab-qeybsiga beelaha ee aysan ku imaan hab-deegaan doorasho,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Haddaba waxaa dhammaan masuuliyiinta warqadaani sida tooska ah ugu socoto la farayaa inaan ilaa amar dambe gudaha Puntland laga furi karin wax xafiis siyaasadeed ah.” Bayaanka ayaa intaas ku sii daray.

Go’aankan ayaa imaanaya kadib markii dhawaan magaalada Dhahar ee gobolka Haylaan laga furay xafiis lagu sheegay xiriirka bulshada iyo Jamaal Maxamed Xasan, oo ah wasiirka qorshaynta Soomaaliya iyo sidoo kale xildhibaan katirsan baarlamaanka federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*