Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya oo dil toogasho ah ku xukuntay sargaal dilay taliye ku xigeenkii ciidanka badda

Cabdinaasir Xoosh oo katirsan ciidanka badda ayaa Muqdisho ku dilay taliye ku xigeenkii ciidanka badda Siciid Mariino.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Cabdinaasir Xoosh oo dilay taliye ku xigeenkii ciidanka badda Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Kowaad ee Ciidamadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Maxkamadda ayaa sidoo kale darajo ka qaadis ku sameysay Cabdinaasir Xoosh oo ah sargaal katirsan ciidanka badda.

Cabdinaasir Xoosh ayaa taliye ku xigeenkii ciidanka badda Soomaaliya Siciid Aadan Yuusuf oo loo yaqiin “Saciid Mariino” ku dilay gudaha dekada Muqdisho bishii lasoo dhaafay ee Janaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*