Maxkamada ciidamada Soomaaliya oo xukun dil ah ku riday nin loo heysto dilka haweenay shacab ah

Cabdullaahi Cali Cumar, oo ah askari katirsan ciidamada xooga dalka ayaa lagu eedeeyay in uu haweenay ku dilay degmada Walanweyn. [Isha Sawirka: Radio Muqdisho]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah xukun dil ah ku riday nin loo heysto dilka haweenay shacab ah.

Cabdullaahi Cali Cumar, oo ah askari katirsan ciidamada xooga dalka ayaa lagu eedeeyay in uu haweenay lagu magacaabi jiray Dhibaay Maleele Maxamed uu ku dilay degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha maxkamada ciidamada Muumin Xuseen Cabdullaahi.

Dilka ka dhanka ahaa haweenayda oo ahayd ganacsato ayaa dhacay bishii May ee sanadkan, xeer ilaaliye ku xigeenka ayaa intaas ku daray.

Ninka ayaa muddo baxsad ku jiray kadib markii uu dilka geystay balse waxaa la soo qabtay bishii September ee sanadkan.

Waxa uu haystaa muddo bil ahin haddii rafcaan ka qaadanayo xukunka, sida ay sheegeen garsoorayaasha maxkamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*