Maxkamada ciidamada Soomaaliya oo toogasho ku fulisay saddex xubnood oo katirsan Al-Shabaab oo lagu eedeeyay weerar ka dhan ahaa huteel Naasa Hablood

Saddexda xubnood ee la toogtay. [Xigashada Sawirka: Sonna]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay maanta oo Arbaco ah in ay toogasho ku fulisay saddex xubnood oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

Saddexda xubnood ee la toogtay ayaa lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen weerar lagu qaaday huteel Naasa Hablood ee Muqdisho 28-dii Oktoobar 2017 kaasoo ay ku dhinteen 18 qof.

30-kii bishii May ee sanadkan 2019, ayaa maxkamada ciidamada ay nimankan ku xukuntay dil toogasho ah.

Magacyada saddexda nin ee la toogtay ayaa lagu sheegay; Farxaan Maxamed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Max’ed Xaaji Buule.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*