Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ay weli hoy gabaad ah u tahay argagixisada Al-Shabaab

Kolonyo maleeshiyo ah oo katirsan Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa weli hoy gabaad ah u ah argagixisada Al-Shabaab oo ah garabka Al-Qaacida ee Geeska Afrika, iyada oo maamusha qeyb balaaran oo dhul ah oo kuyaala Soomaaliya gaar ahaan koonfurta Soomaaliya, sida Waaxda Arrimaha Dibada Mareykanku ay ku sheegtay warbixin ku saabsan argagixisanimada oo la daabacay asbuucaan.

“Dhammaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ciidamada Soomaaliya ee SNA iyo Mareykanka iyo saaxiibadiisa, Al-Shabaab waxay la kulantay cadaadis milatari oo muhiim ah intii lagu guda jiray sanadkii 2017-kii, balse ururku weli waxa uu maamulaa dhul balaaran oo katirsan dalka,” sida lagu yiri warbixinta. “Al-Shabaab waxay heysataa awood ku filan oo ay ku qaado waxyaabaha qarxa ee baaburta lagu rakibo, qaraxyada ismiidaaminta ah, madaafiicda, iyo hubka fudud,”

“Soomaaliya weli waxay hoy gabaad ah u tahay argagixisada,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Argagixisadu waxay isticmaalaan xoriyadooda dhaqdhaqaaqa si ay u helaan kheyraadka, qorista dagaalyahannada, iyo qorsheynta iyo ku shaqeynta hawlaha Soomaaliya iyo waddamada dariska ah, sida Kenya.” Ayaa lagu sii yiri.

Mareykanka ayaa sanadkii 2017-kii kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya isaga oo qaaday 34 duqeymood. Sidoo kale sanadkan 2018-ka 20 duqeymood ayuu ka geystay Soomaaliya, sida ay muujinayaan warbixinadu.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*