Madxtooyada Soomaaliya oo beenisay wararka sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay doonayso in ay badasho mowqifkeeda ku aadan kiiska horyaalla maxkamadda ICJ

Sumada madaxtooyada Soomaaliya.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in dowladda federaalka Soomaaliya ay doonayso in ay badasho mowqifkeeda ku aadan kiiska horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa baaritaan ku haya ilaha wararkan been abuurka ah.” Ayaa lagu yiri.

Soomaaliya ayaa cabashadeeda ku saabsan muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya u gudbisay maxkamada ICJ sanadkii 2014.

Go’aanka maxkamada ICJ ee muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa la filayaa in ay uu soo baxo bisha September ee 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*