Madaxweynaha Soomaaliya oo safar ku tagi doona dalka Qatar

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu safar ku tago dalka Qatar asbuuca soo socda, sida ay sheegeen ilo-wareedyo ku dhow madaxtooyada Villa Somalia.

Dabayaaqadii 2017, Qatar iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis gaaraya $200 milyan oo mashaariic horumarineed ah kaasoo Doha ay ugu talogashay dalka kuyaala Geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka Khaliijka, balse waxay wajahaysaa colaad uga imaanaysa dalka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*