Madaxweynaha Puntland oo odayaasha dhaqanka gobolka Bari kulan kula yeeshay magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Puntland oo odayaasha dhaqanka gobolka Bari kulan kula yeeshay magaalada Boosaaso. [Xigashada Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Aaxd ah kulan la qaatay odayaasha dhaqanka gobolka Bari.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso ee magaalo ganacsiyeedka Puntland.

Sida ilo-wareedyo ku dhow odayaasha ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror, kulanka ayaa looga hadlay xaalada nabadgalyo iyo horumarka magaalada Boosaaso iyo dhammaan gobolka Bari oo dhan.

Ilo-wareedyada ayaa xaqiijiyay in odayaasha dhaqanka iyo madaxweynuhu ay isku afgarteen sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha ay kamidyihiin ammaanka gobolka.

Intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa goobjoog u noqotay mowjado weeraro ah oo lagu bartilmaameedsaday saraakiisha dowladda, waxaana masuuliyadooda sheegtay ururada xagjiriinta ah sida Al-Shabaab iyo ISIS.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*