Madaxweynaha Puntland oo labo taliye booliis oo cusub u magacaabay gobolada Nugaal iyo Sanaag

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa labo taliye booliis oo cusub u magacaabay gobolada Nugaal iyo Sanaag, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday madaxtooyada xilli dambe xalay oo Isniin ahayd.

Muumin Cabdi Shire ayaa loo magacaabay taliyaha qaybta booliiska gobolka Nugaal, halka Bashiir Cali Maxamed loo magacaabay gobolka Sanaag, sida lagu sheegay digreetada.

Kahor magacaabida madaxweynaha ayaa dalacsiiyay darajada labada taliye.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*