Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay golaha deegaanka cusub ee degmada Gaalkacyo

Golaha deegaanka Gaalkacyo
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Golaha deegaanka Gaalkacyo. Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Arbaco ah kulan kula qaatay magaalada Gaalkacyo golaha cusub ee degmada.

Madaxweynaha ayaa golaha cusub ku tilmaamay in ay yihiin maskax cusub isla markaana looga baahanyahay isbeddel mug leh in ay ka muujiyaan magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena ay dadaal dheeraad ah suubiyaan si loo dardargeliyo shaqooyinka culus ee horyaalla.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay golaha in ay ka fogadaan wax walba oo golaha dhexdiisa ku keeni kara khilaaf iyo tafaraaruq isla markaana caqabad ku noqon kara hawlaha shaqo ee golaha loo igmaday iyo in ay wada shaqayn dhow la yeeshaan haayadaha kale ee shaqooyinka ay wadaagaan oo ay ka mid yihiin Laamaha kala duwan ee amaanka iyo maamulka Gobolka.

Golaha cusub ee degmada Gaalkacyo oo dhawaan lasoo dhisay ayaa la filayaa in ay guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa dooran doonaan maalinta Sabtida ah ee soo socota.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*