Madaxweynaha Puntland: Ninkii diidaya iyo ninkii ogolba Soomaaliya federal ayey ahaanaysaa

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay jaaliyada Puntland ugu qabteen gudaha magaalada London. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
London-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in Puntland ay rabto in nidaamka federaalka kaliya lagu dhaqo Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay jaaliyada Puntland ugu qabteen gudaha magaalada London madaxweynaha ayaa yiri: “Puntland waxay rabtaa Soomaaliya in lagu dhaqo nidaamka federalism-ka, waxaan rabnaa in la qeybsado masuuliyada, markii masuuliyada la qeybsadana waxaa la qeybsanayaa awooda, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ahaanayaa Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya waana Madaxweynaheenii,”

“Lakiin Puntland weligeed Madaxweynaheeda waa lahaanaysaa nidaamka federelka ayaana sidaasa, ninkii diidaya iyo ninkii ogolba Soomaaliya federal ayey ahaanaysaa.” Ayuu ku daray.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*