Madaxweynaha Mareykanka oo Sucuudiga ku tagay safarkiisii ugu horeeyay dalka dibadiisa

Madaxweynaha Mareykanka oo Sucuudiga ku tagay safarkiisii ugu horeeyay dalka dibadiisa. [Xigashada Sawirka: Anadolu]
Riyadh-(Puntland Mirror) Madaxweyanaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa maanta oo Sabti ah wadanka Sucuudi Caraabiya ku tagay safarkiisii ugu horeeyay oo dalka dibadiisa ah tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Janaayo.

Donald Trump ayaa waxaa garonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Boqorka Sucuudiga Salmaan .

Labada hoggaamiye ayaa la filayaa in yeeshaan kulan maanta gelinka dambe si ay uga wadaxaajoodaan xiriirka ka dhaxeeya iyo si lamid ah arrimaha gobolka iyo kuwa caalamka kale.

Madaxweyne Trump ayaa ka qeybgali doona shir-weynaha Khaliijka Carabta iyo hoggaamiyaasha Islaamka inta uu ku guda jiro booqashadiisa Boqortooyada Sucuudiga.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*