Madaxweynaha dowladda Puntand oo u safray dalka Itoobiya

Madaxweyne Cabdiweli oo wariyeyaasha kula hadlaya garoonka diyaaradaha kumeelgaarka ah ee Kanooko oo kuyaala Garoowe. [Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntand Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Isniin ah u safray dalka Itoobiya.

Isaga oo wariyeyaasha kula hadlayay garoonka diyaaradaha kumeelgaarka ah ee Kanooko oo kuyaala Garoowe, Madaxweyne Cabdiweli ayaa sheegay in un wadahadal la yeelan doono masuuliyiinta Itoobiya inta uu ku guda jiro safarkiisa Addis Ababa, isaga oo diirada ku saari doona dhinacyo kala duwan sida ammaanka, ganacsiga iyo horumarka kale ee gobolka. Coska Madaxweynaha.

Qaar katirsan golaha wasiiradda ayaa ku weheliya madaxweynaha safarkiisa Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*