Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo kulan la qaatay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Beker

IMG_6215
Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo kulan la qaatay safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Beker. Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali  oo safar shaqo u jooga Muqdisho ayaa maanta oo Arbaco ah kulan kula qaatay xarunta safaarada Turkiga uu ku leeyahay caasimada Soomaaliya safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya dalka Turkiga iyo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay sidii Turkiga uu gacan uga geysan lahaa dhibaatadii ka dhalatay weerarkii dhawaan kooxda argagixisada ku qaadeen magaalada Gaalkacyo oo ay ku burbureen hanti badan oo ay kamidyihiin suuqa ganacsiga Xero-Dayax iyo cisbitaalka magaalada Gaalkacyo.

Dhankiisa, safiir Bekar ayaa uga tacsiyeeyay dhamaan shacabka Puntland dhibaatadaas, wuxuuna cadeeyay in dalkiisa Turkiga uu ka qayb qaadan doono mashruuca dayactirka hantidii ku burburtay weerarkii magaalada Gaalkacyo ay ka geysteen kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa wadanka saddexaad  oo hela mashaariicda horumarineed ee Turkiga tan iyo 2012-kii, balse Puntland wali wax mashaariic ah kama helin Turkiga.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*