Labo qof oo ku dhimatay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Dad sida dad ku dhaawacmay qarax Muqdisho. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qof isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay meherad shaah oo kutaala Muqdisho maanta oo Arbaco ah, waxaana ku dhintay ugu yaraan labo qof, sida ay sheegeen ciidanka booliiska.

Sargaal katirsan ciidanka booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wakaalada wararka AP u sheegay in qofka is qarxiyay, uu iska soo dhigay qof caadi u soconaya, kadibna uu soo galay meherada uuna isku qarxyay iyadoo goobta ay ku sugnaayeen dad badan.

Qaraxa maanta ayaa ah kii ugu horeeyay iyadoo dalka Soomaaliya uu bishii Maarso 16-keedii xaqiijiyay kiiskii ugu horeeyay ee xanuunka coronavirus oo adduunka ku faafay.

Bilihii u dambeeyay ammaanka Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay si looga hortago weerarada maleeshiyada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*