Ku dhawaad 20 dagaalyahan oo uu ku jiro hoggaamiye sare oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay weerar ka dhacay Shabeellaha Hoose

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ku dhawaad 20 dagaalyahan iyo hoggaamiye sare oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda.

Weerarka oo ay qaadeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa fiidnimadii Sabtida ka dhacay koonfurta deegaanka Awdhiigle ee gobolka Shabeellaha Hoose, Radio Muqdisho ayaa sidaa tabisay, iyadoo soo xiganaysa saraakiil katirsan ciidamada.

Ku xigeenkii madaxa jabhadaha ee maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Xasan Abshir Jibriil ayaa lagu dilay weerarka, sida ay sheegtay idaacada dowladdu.

Xasan ayaa la sheegay in uu hoggaamiye ka ahaa weeraro badan oo maleeshiyada Al-Shabaab ay horey uga geysatay deegaano kuyaala gobolka oo ay kamidyihiin Jannaale iyo Bariire.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bishii lasoo dhaafay ee Agoosto Al-Shabaab ka qabsaday Awdhiigle, oo ah magaalo beereed qiyaastii 70 kiilomitir dhanka koonfur-bari kaga beecan caasimada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*