Itoobiya oo ciidamo cusub geysay deegaanka Halgan ee bartamaha Soomaaliya

Muqdisho-(Puntland Mirror) Dowlada Itoobiya ayaa ciidamo badan geysay deegaanka Halgan kadib markii maalinta Khamiista ee asbuucii hore ay weerar culus ku qaadeen maleeshiyada al-Shabaab saldhig ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin deegaanka Halgan.

Dadka ku sugan deegaanka Halgan ayaa sheegay in ay arkeen kolonyo ciidamo cusub oo Itoobiyaan ah kuwaasoo wata gaadiidka gaashaaman, waxayna fariisimo ay ka samaysteen deegaankaas.

Deegaanka Halgan ayaa ku yaala gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, wuxuuna 300 km dhanka waqooyiga uga beeganyahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Weerar ay maleeshiyada al-Shabaab ku qaadeen 9-kii bisha saldhig ay halkaas ku leeyihiin ciidamada Itoobiya ayaa waxa ay ku sheegeen in ay ku dileen ilaa iyo 43 askari oo Itoobiyaan ah, balse afhayeenka dowlada Itoobiya Getachew Reda ayaa warkaas beeniyay isagoo sheegay in ciidamadooda ku dileen 101 dagaalyahan oo al-Shabaab ah kadib markii ay maleeshiyada soo weerartay saldhig ay ciidamadooda ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.

Ciidanka Itoobiya ayaa ka hoos shaqeeya howlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Koonfurta Soomaaliya.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*