Isku aadka tartanka kubada cagta maamul goboleedyada Soomaaliya oo la sameeyay

Isku aadka tartanka kubada cagta maamul goboleedayada Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: Goolfm]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Isku aadka tartanka kubada cagta maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado la sameeyay.

Kooxaha ayaa loo kala qeybiyay labo qeybood.

Group A: Banaadir, Jubbland, iyo Galmudug

Group B: Puntland, Hir-shabelle iyo Koonfur Galbeed.

Ciyaarta furitaanka ayaa dhici doonta Jimcada, waxayna dhexmari doontaa Banaadir iyo Jubbland.

Puntland oo difaacanaysa horyaalka ayaa u muuqata in ay gashay group fudud, kaasoo ay si dhib yar ku gaari karto afar dhammaadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*