Huteel cusub oo laga furay Garoowe

Madaxweynaha Puntland oo xaiga ka jaraya huteelka. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Huteel qurxoon ayaa fiidnimadii Talaadada laga furay magaalada Garoowe, ee caasimada Puntland.

Huteelka oo lagu magacaabay “Martisoor” waxaa dhismaha mashruuciisa ku baxay dhaqaale lagu qiyaasay $5 milyan, sida ay sheegeen maalgashadayaasha.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qaybgalay munaasibada furitaanka ayaa si rasmi ah xariga uga jaray huteelka.

Dhismayaasha cusub sida huteelada, makhaayadaha iyo xarumaha kale ee ganacsiga ayaa siyaaday gudaha Garoowe sanadihii u dambeeyay, taasoo kor u qaaday bilicda iyo shaqo abuurka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*